Camey:-“Shirka Kismaayo Maslaxad Uguma Jirto Ummadda Soomaaliyeed”,+Dhageyso

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) uusan ahayn shir ay Maslaxad ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.

Camey oo maanta kasoo duulay Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland islamarkaana kusoo wajahan Magaaladda muqdisho ayaa sheegay shirka bishaan gudaheeda ka dhacaya Magaladda Kismaayo aysan ka qeyb gali doonin Puntland islamarkaana uu yahay shir aan micno ku fadhinin.

”Waxaa arkaa inuusan ahayn shirkaasi shir Maslaxad u haya Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaan ku talinayaa in shirkaas dib loo dhigo, waxaan ku talinayaa in la wada hadlo, waxaan ku talin lahaa shakiga laga qabo dawlada Soomaaliya inuu meesha ka baxo oo wada hadal looga saaro, waxan u malaynayaa marinka hadda loo marayo inuu yahay marin khaldan oo Ummadda Soomaaliyeed aysan jeclaysan doonin” Ayuu yiri

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Camey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la isugu tago magaalada Muqdisho, isla markaana la wada hadlo.

”Haddii ay jiraan wax lagaga cabanayo dawlada Federaalka Soomaaliya laynoo kala tarjumayo haddii aan nahay maamul goboleedada, waa in la isugu tagaa Xamar sidii la isugutagi jiray, waxaan kula talinayaa Farmaajo waa inuu qaato doorkiisa oo uu tago maamul goboleedyadda, waxaan ku talinayaa in shirka dib loo dhigo” Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Dhanka kale, Camay, ayaa sheegay inay jiraan dad kaso horjeeda hormarka Puntland, kuwaas oo shirar ku qabtay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari wuxuu ugu baaqay inay danta guud ee Ummadda ka shaqeeyaan.

Magaaladda Kismaayo ee Jubada Hoose  ayaa waxaa bishaan gudaheeda ka dhacaya shir ay iskugu imaanayaan Madaxda Maamul goboleedyadda kaasi oo loogu hadlaayo khilaafka ka dhashay mowqifka laga qaatay xiisadda Wadamada Khaliijka Carabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here