Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan C/llaahi Xasan Shariif oo ah nin Soomaali ah oo waddankaasi qaxooti ku ahaa, kaasoo baabuur jiirsiiyey dhowr qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah.
Dowladda Canada waxa ay sheegtay in ninkaan loo xirey weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, waana 30 sano jir lagu magacaabo C/llaahi Xasan Shariif.
Kooxda Daacish ayaa sheegay inuu ka tirsan Soomaaliga weerarka ka geystay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, dalka Canada.

