Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka gudbaan qabiil qabiil si loo garo midnimo.
Waxa uu sheegay in hadda Soomaali-land ay sheeganayaan in ay yihiin kuwa ka go’ay Soomaliya inteeda kale balse taasi aysan macquul aheyn.
“Anigu Soomaliya hadeynu nahay mushkiladeena waxay tahay Qabiil, waxaan doonaynaa in aan qabiil ku dhisno dalkeena, taasi ma soconayso”, ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdillaahi
Sidoo kale dadka u nool Magaalada Muqdisho ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland ayuu ugu baaqay in ay kala Shaqeeyaan Midnimada Soomaaliya, isla markaana sidoo kale dowladda looga baahan yahay in ay ku tageerta.
Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay ku celceliyen in Soomaaliland ay ka mid tahay dalka Soomaaliya iyada oo sidoo kale dhowr mar ay fashilmeen wadahadalo dhexmaray Msuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Maamulka Soomaaliland oo ka dhacay dalka Turky-ga.

