Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa mar kale ku celiyay in aan Magaaladda baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka aan lagu qaban karin shir siyaasadeed aanu maamulka ka war hayn.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Nuuradiin Abuukar Gacma oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in tani looga golleeyahay sugida amniga guud ee magaalada baydhabo oo dhawaanahaan ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.
Afhayeenka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya iney caburin ku hayaan siyaasiyiinta ku sugan magaaladda Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in haddii ay caburin jirto aanay dhici lahayn cid xitaa warbaahinta la hadasha.
Nuuradiin Abukar Gacma ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya in markii ay qabanayaan shir ay kasoo fasax qaataan maamulka.

