Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dhigeen Shacabka Magaaladaas.
Banaan-baxaan waxaa soo qaban qaabiyay Ururada bulshada rayidka magaaladda gaalkacyo ujeedkiisana waxa uu ahaa sidii la iskugu furi lahaa Magaaldda oo u kala xiran Maamulada Puntland ee Galmudug.
Banaan-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ha la isku furo Magaaladda gaalkacyo ee Gobolka mudug islamarkaana Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka shaqeeyaan Nabadda.

















