Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa xilal ka qaadis ugu hanjabtay Saraakiisha Amniga Gobolka Banaadir.
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in uusan jiri doonin mas’uul ka Tirsan Hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya oo xil iska haya.
“Waxaa jiri doona isla xisaabtan iyo dabagal lagu hubin doono shaqada iyo howlaha Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya,mana jiri doona mas’uul aan gudan waajibaadkiisa oo xil iska haya”,
Sidoo kale Wasiirka Amniga gudha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay laamaha amaanka ay kala shaqeeyaan sidii loo beegsan lahaa Shaqsiyaad uu sheegay in ay lidi ku yihiin amniga Magaaladda muqdisho.

