Laacibka kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa xaqiijiyay in uu mudo Bil ah oo Garoomada ka Maqnaan doono kadib dhaawac kasoo Gaaray waajibaadka xulkiisa qaranka dlka Argentine
Xidigaan ayaa kaliyah ciyaaray wax ka Yar 20-kadib guuldaro soo Gaartay xulka dalka argentine kulamada isrebreebka koobka aduunka dalka russia ka dhici doona 2018
Dhaawiciisa ayaa ka dhigan in uu ka Maqnaan doono kooxdiisa kulanka ka dhici doona Garoonka Old Trafford si lamid ah kulanka ay Todobaadkaan la ciyaari doonaan kooxda Bournemouth, kulanka Champions League ee Sevilla (home and away), Norwich City, iyo Crystal Palace sidoo kale waxa uu seegi doonaa kulanka ay u safri doonaan kooxda Aston Villa November 8.

