Maamul Goboleedyadda Taageersan Mowqifka Sacuudiga oo Shir Isugu Imaanaya

0

Sida ay sheegayaan wararka Hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee taageersan Mowqifka Sacuudiga iyo xulafadiisu ee  xiriirka u jaray dalka Qatar, ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulan  ay ku difaacayaan mowqifkooda ku aadan taageerada isbahaysiga Sacuudiga.

Lama oga halka uu kulankaan ka dhici doonin,balse kulankaan ayaa la filayaa inuu dhaco maalmaha soo socda, sida wararka ay sheegayaan.

Xiisada Khaliijka ayaa kala aragti duwanaasho weyn ka dhex abuurtay dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, waxaana xusid mudan in dowladda federalku hadashay oo sheegtay inay dowladnimada dhaawac ku tahay arrimaha ay wadaan dowlad goboleedyada.

Dhanka kale  dowlad goboleedyada ayaa iyaguna ku eedeeyay dowladda federalka inay u janjeerto dowladda Qatar, oo ay sheegeen inay tahay dowlad aanu waxba kasoo galin Soomaaliya islamarkaana aan lala barbar dhigi karin sacuudiga iyo Imaaraatka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here