Taabid:-“Ma Aqbali Doono Dilalka Loo Geysto Shacabka Muqdisho”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aan la aqbali doonin  nuucyada kala duwan ee ciidamada ee dilalka u geysta dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay qadarin ay ka mudan yihiin shacabka ku nool Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, islamarkaana aan la aqbali doonin in askari Soomali ah uu dhibaato u geysto muwaadin Soomaliyeed.

“Cadaaladda ayaa la horkeeni doonaa askarigii dilka ugu geystay muwadinka Somalliyeed degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir, waxaa la marsiin doonaa sida uu sharciga qabo, Hay’adda amniga ee  gobolka Banaadir iyo Degmooyinka waxaa u sheegayaa in aan la aqbali doonin in askari dowladda u shaqeeya in uu dhibaato u geysto muwaadin muqdisho-shaawi ah”, ayuu yiri Gudoomiye Gobolka banaadir taabid.

Cumar Ismaciil Sheekh oo loo yaqaan (Ganbareey) ayaa ciidanka Taraafikada ku toogteen isgoyska geed jaceyl ee degmada wardhiigley.

Marxuumka la dilay ayaa ciidanka taraafikada kuyiri “isbaarada qaada, dadkana dhibka kadaaya, dareeska ciidanka qaranka haku dheelina” kadibna xabad ula kac ah ayey ku dhufteen sidaas ayuuna ku dhintay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here