Taabid“AMISOM Way Ka Bixi Doonaan Garoonka Muqdisho Stadium”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Taliska Midowga Afrika AMISOM iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay ku heshiiyeen in Guddi loo magacaabo Soo wareejinta Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

Gudoomiye Taabid ayaa ku amaanay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM Sida ay u xafideen garoonka Muqdisho Stadium oo saldhig ay ka dhigteen muddo sanado ka hor kadib markii ay dagaalo ka dhaceen Magaaladda muqdisho.

“Waxay ku heshiiyeen AMISOM iyo Dowladda Hoose ee Xamar in guddi loo xil saaro si loo wareejiyo garoonka Kubada Cagta muqdisho Stadium,AMISOM gaar ahaan Ciidamada Booliska waan kaga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ay u xafideen dhismaha Garoonka, Wasaaraddda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaliya ayaan kala kaashan doonaa sidii loo dadajinta lahaa dib u dayactirka Garoonka oo burbur xoogan uu ka muuqdo”, ayuu yiri gudoomiye taabid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here