Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay ka dhacay Wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in gaari rogmaday uu ahaa nooca ay soomalida u taqaano UD-ga islamarkaana darawalkii gaariga waday uu xakameyn waayay.
Waxa uu sheegay in shaqaalaha gaari saarnaa ay kor u dhaafayeen 20-ruux islamarkaana ay kamid ahaayeen kuwa ka xamaashta Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
“Baabuur ka yimid dhanka sanca oo galayay gooladda wadada Nasiib Buundo ayaa gadoomay waa gaari nooca soomalida ay u taqaano UD-ga, gaariga xoog ayuu ku socday wuxuu waday shaqaalo ka shaqeenayay Garoonka diyaarahada Magaaladda muqdisho,dadka waxaa laayay kunteenar meesha yaalay oo gaari uu ku dhul dhacay, dhimashada waxaa la leeyahay 5-qof, dadkii dhaawacmay waxaa loo qaaday dhanka isbitaalka”, ayuu yiri qof goob-jooge ahaa.
