Faah-faahin:-Dagaal Ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug.

0

 

Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayaa ku dhimatay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulka puntland iyo Galmudug uu ka qarxay Bariga Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Godad ee Gobolkaasi Mudug, wuxuuna u dhaxeeyay  Maleeshiyad kasoo kala jeeda Labada Maamul.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana xiisadan ay aheyd mid mudooyikii u dambeeyay soo jirtay.

Sidoo kale  dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen  ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here