Sheekh Shariif:”Go’aanka Dowladda Arrinta Khaliijka Waa Mid Lagu Deg-degay”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay go’aanka ay Dowlada Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka inuu yahay mid lagu deg-degay.

Qoraalka uu soo dhigey Sheekh Shariif Sheekh Axmed boggiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

ASC WALAALAYAAL

Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.

Sheekh Shariif:”Go’aanka ay ka qaadatay Dowlada arrinta Khaliijka waa mid lagu deg-degay”

Sheekh Shariif:”Go’aanka ay ka qaadatay Dowlada arrinta Khaliijka waa mid lagu deg-degay”

Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.

MAHADSANIDIIN

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here