Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanada kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi(carabey)iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ee loogu soo horjeedo go’aankii uu ka qaatay khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta.
Madaxweyne Xaaf aaya sheegay in maamulka galmudug uu isaga u taliyo islamarkaana go’aanaadda uu soo saarayo ay yihiin kuwa sax ah, islamarkaana dadka kasoo horjeeda ay yihiin kuwa u adeegaya danayo kale.
“In aanu qaraabano oo aan caradayada, dadkayaga iyo dalkayaga u tashano, waa wax naga go’an weeye. Nimanka hada idinka idinla soo hadlay oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenku Shaqadooda maahan howshaan, Howsha Siyaasada anaa hogaamiye ka ah”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

