Akhriso:-Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Kulan Yeelanaya

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeelan doonaan Magaaladda Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka hadlida go’aanka muranka dhaliyay ee Dowladd goboleedka galmudug ay ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta, taasi oo keentay in madaxda Maamulkaas ay isku khilaafaan.

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in go’aan kasoo saaro kulanka maanta ay yeelan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ee loogu hadlaayo arinta muranka dhalisay.

Dhanka kale waxaa jira qorshe loogu yeerayo madaxweynaha Dowladd Goboleedka galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) si wax looga waydiiyo Warqada muranka dhalisay ee laga soo saaray xafiiskiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here