Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa digniino u direy Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaliya oo iyaga oo aan fasax haysanin iska raaca Madaxda Dowladda xiliyadda safaradda.
C/wali Shiikh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay In wax la aqbali karo aysan aheyn in xildhibaaanada iyadoo shaqo laga rabo ay iska raacaan madaxda Dowladda Soomaliya.
“Xildhibaanada madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha iska raaca sax ma ahan, lama yeelayo xildhibaan shaqo u taalo in uu iska raaco madaxda Dowladda Soomaliya, Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha waxaa laga doonayaa in ay soo codsadaan xildhibaanada safarada u raacaya”,
Sidoo kale C/wali Shiikh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku-xigenka kowaad ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in hadii xildhibaanada ay ka dhaga adeegaan arintaan guddoonka golaha shacabka uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili ay jiraan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo safarada u raaca madaxda Dowladda Soomaliya xiliyadda ay dibadda u baxayaan

