Gabar dhalinyarro ah ayaa dhaawac culus soo gaaray kadib markii ay iska tuurtay dhisme Hotel kuyaala agagaarka Baar Ubax, degmada Howlwadaag.
Sida ay sheegayaan wararka arrintan oo ka dhacay Hotel Nasiye ee xaafadda Baar Ubax ayaa la sheegay in Gabadha ay hotelka la joogtay muddo saddex cisho ah nin sheegtay in uu qabo, kadibna ay maanta falkan ku dhaqaaqday xilli uu quraac doontay.
Dhismaha ay iska soo tuurtay gabadha oo ka koobnaa Saddex Dabaq ayaakeenay inay haweeneyda ka jabto qoorta, isla markaana burbur kasoo gaaro wejiga iyo ilkaha.
Ciidamada Booliska H/wadaag ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxayna soo xireen ninkii la joogay gabadha oo lagu xiray saldhigga degmada Howlwadaag.
Warar ay heshay idaacadda Simba ayaa sheegaya in gabadha oo da’deedu ka yar tahay 20-sano jir ay ku jirtay xaalad isku buuq ah oo aan la sheegin waxa sababay.

