Xildhibaanada Golaha Shacbaka Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa maanta yeelan doona kulankooda caadiga ahaa.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta koobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta koobaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka.
Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa fariimo u direy xildhibaanada iyadoo lagu wargaliyay inay ka soo qeyb galaan kulanka,islamarkaana kulanka uu furmi doono saacadu markey tahay afar saac oo subaxnimo.
Sidoo kale Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo sharciyo kale oo muhiim ah kuwaasi oo xildhibaanada ay ka doodi doonaan.
Ciidamada booliska Soomaliyeed ayaa xirey wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka.

