Galmudug oo Amar Ku Bixisay in La Xiro Nin u Gafay Nabi Maxamed

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay  nin gaf u geystay suubanaheena Nabi Maxamed NNKH kaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka diinta Iyo awqaafta Galmudug Shiikh Mursal Cabdiraxmaan Iyo Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ninkaas uu u gafay Diinta islaamka islamarkaana laamaha amaanka la amrayo in ay gacanta ku soo dhigaan sharcigana la hor keeno

Sidoo Kale Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dowlada Federalka Iyo Maamulka Gobolledyada dariska la ah Galmudug hadii uu isku dayo ninkaas in uu ka baxsado Galmudug ay gacanta ku dhigaan isaga Iyo dadka ku mooqifka ahba.

Baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday Nin shaqsi ah oo soo bandhigay sawir uu ku tilmaamayo Nabi Maxamed NNKH waxayna ka yaabisay  ummadda Soomaaliyeed, waxaana ninka arintaas sameeyey uu ku nool yahay koofurta Galkacyo, waxaana lagu magacaabaa Sheekh Cabdi wali Afyare, waxa uuna halkaas ku leeyahay xer iyo ciidan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here