Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Haweeney la sheegay in ay aheyd Guddoomiye waxeed.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda 1-da May ee agagaarka Buundada koowaad, degmada Xamarjajab, sida ay sheegeen dadka degaankaasi waxaa la toogtay haweeney guddoomiye Waaxeed ka aheyd degmadaas oo lagu magacaabi jirey Foos Maxamed Xuseen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haweeneyda gurigeeda lagu dhex toogtay.
Ragga hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay goobta isaga baxsadeen iyadoo muddo kadib ay goobta gaareen ciidamada ammaanka oo halkaasi baaritaan ka sameeyay, inkastoo aan la sheegin cid loo qabtay falkaasi.

