Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa haatan ka socda Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dad ku sugan Degmada Balad-xawo oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan saakay ku qaadeen degmadaas oo ku taala xaduudka Soomaliya iyo kenya,islamarkaana uu dagaalka haatan yahay mid soconaya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

