Xili habeenimadii xalay Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka hirshabeele ay shaaciyeen in doorashada ay ka dib dhacday xiligii lagu balansanaa in ay dhacdo arrimo farsami awgood ayaa maanta waxaa arrintaasi kulan ka yeeshay baarlamaanka hirshabeele, Gudigaa doorashada maamulkaasi, iyo xubno ka socda wasaarada arrimaha gudaha xukuumada federaalka Soomaaliya.
Waxa ayna kulankaasi ka dib sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanka guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi uu dib ugu dhigay doorashada maadama musharixiinta qaarkood ay weli gaarin halkaasi.
Cabdiqaadir Faarax Shuutaale waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Maamulka hirshabeele kana qeyb qaatay kulanka lagu taageeray dib u dhaca doorashada madaxweynaha maamulkaasi waxa uu Idaacadda simba u sheegey in gudiga doorashada iyo baarlamaanka maamulkaasi ay isla garteyn dib u dhacaani.
Horaan ayey beesha caalamka walaac xoogan kaga muujisay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxweynaha maamulkaasi, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali C/laahi Osoble.

