Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka ayaa saaka dhagax dhigay Wadada Jeneraal Daa’uud oo isku xirta Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.
Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono wadadan iyo dhamaan waddooyinka kale ee bur buray ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray.
Wadada Jeneraal Daa’uud ayaa waxaa sanadkii 2012 dhagax dhigay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif, iyadoo xilligaas Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ay gacan ka geysaneysay dhismaha wadadan.







