Amar ka soo baxay Wasaarada Amniga Puntland ayaa lagu faray hotelada Ku yaala Puntland in aan lagu qaban Karin Wax shir siyaasadeed ah oo lagu dhaliilayo Madaxwayne Gaas iyo xukuumadiisa.
Qoraalkan oo uu Ku sixiixan yahay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Waxaa lagu socod siiyey dhamaan laamaha amaanka Puntland ,Taliska booliska ‘Gudoomiyaasha Gobolada iyo degmooyinka, mulkiilayaasha Hotelada , iyadoo Madaxtoyada la ogaysiiyey ayaa qoraalkan lagu yiri
“Iyadoo maalmahan la qabanayey Shirar qarsoodi ah lid Ku ah xasiloonida iyo nabad galyada Puntland waxaa la farayaa dhamaan lamaha warqadani sida tooska ah ugu socoto in aan la qaban Karin wax shir siyaasadeed ah oo lagu khalkhal galinayo Amniga iyo Xasiloonida Puntland”,


