Somali-land oo Ka Hadashay Xariga Shiikh aadan Suni+Dhageyso

0

Laamaha amaanka maamulka Somali-land ayaa faah-faahin ka bixiyay xariga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa, kaasi oo xalay lagala baxay hoygiisa.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland iyo Saraakiil kale oo shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) uu lidi ku ahaa amniga iyo Qaranimda Soomaaliland, islamarkaana uu madax u ahaa dhalinyaro loo tababarayay Ciidamo oo saldhig ku lahaa banaanka Magaaladdda Hargeysa.

Sidoo kale Laamaha amaanka maamulka Somali-land,waxa ay sheegeen in Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) uu  horey u galay dambiyo kala duwan , islamarkaana uu dhawaan cafis u fidiyay madaxweynaha maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), iyadoo loo eegayo bisha barekeysan ee Ramadaan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here