Dowladda Kenya ayaa sheegtay in abaalmarino lacageed ay siin doonto cidii soo sheegta Hogaamiyayaal ka Tirsan Al-shabaab oo heysta dhalashada dalka Kenya, kuwaasi oo weeraro geystay.
Kenya ayaa dhul dhigtay madaxyadda raggaas Sh16 million, waxayna sheegtay in yihiin kuwa soo qorsheeya weerarada kala duwan ee ka dhaca gudaha dalkaas.
Ahmed Iman aka Abu Zinnra oo ah muwaadin kenyaan ah ayay sheegtay dowladda Kenya in isaga iyo saaxibadiisa oo kala ah Erick Achayo, Juma Ayub, Habib Karongo, Mohammed Musa, Mohammed Tajir, Ramadaan iyo Ramadhan Kioko ay soo qorsheeyeen weeraro dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay gudaha dalka Kenya sanadihii dambe.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ragaas ay ku sugan yihiin deegaanka Boni Forest ee gobolka Lamu, islamarkaana ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan dalka Kenya, si bey tiri ay u geystaan falal amniga lidi ku ah.






