Sanator Xuseen Cali oo Beeniyay in uu Isku Day Dil Ka Badbaaday+Dhageyso

0

Sanator Xuseen Cali Xaaji oo Ka mid ah Sanatarada Soomaaliya oo Saaka Gaari uu lahaa Kooxo hubaysan ay ku rasaaseeyeen gudaha degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay weerarkaasi.

Sanatarka ayaa sheegay in gaariga xilliga la rasaaseynayey uusan isagu la socon ayna saarnaayeen oo kaliya laba ruux oo kala ahaa darawalkiisa iyo gabar uu adeer u yahay sida uu yiri waxaana uu sheegay inay u socdeen Isbtitaalka Digfeer oo ay ku xanuunsanayso gabar la dhalatay,gaarigana muddo laba-maalin oo maanta ay ku jirto uu halkaa tagayay.

Waxaa uu sheegay inay jiraan tuhumo kala duwan oo ku saabsan ciddii falkan geysatay oo uu sheegay in markii la ogaado aan laga hari-doonin baaritaan uu la kaashanayo laamaha ammaanka ee dowladda kadibna uu soo bandhigi doono ciddii ay ku caddaato,balse waxaa uu diiday inuu carrabaabo cidda uu ku tuhmayo oo uu tilmaamay in maalmahanba hanjabaado ay jireen sida hadalka u dhigay Sanataku.

Illaa Hadda Majirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarka la doonayey in lagu qaarijiyo sanatar Xuseen Xaaji Cali oo Ka Mid ah Sanatarada Soomaaliya oo saaka barqadii gaarigiisa lagu rasaaseeyey degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here