Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib markii lagu rasaaseeyay gaari uu watay Degmada Hodan ee gobolka banaadir.
Wararka soo baxaya ayaa sheegay in gaariga Xildhibaanka lagu hor-jaray gaari ay saarnaayeen kooxo hubeysan, meel ku dhow Isbitaalka Masaarida Degmada Hodan ee gobolka banaadir.
Rasaasta lagu furay gaarigiisa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa iyo gabar uu adeer u yahay oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Magaaladda Muqdisho.
Senator Xuseen Cali Xaaji ayaa sheegay in hada uu caafimaadkiisa qabo, isla markaana gaari uu la socday la weeraray.
Maalmihii dambe Weerarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ayaa kusoo badanayay gudaha magaaladda muqdisho.

