Carabey:-“Hala joojiyo Dagaalka Micno darada ah ee Ka Dhacaya Mudug”,+Dhageyso

0

Madaxweyne Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa sheegay in ay dhameystirayaan Heshiiskii Sanadkii hore ay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Kuwada gaareen Hogaamiyaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland kaasi oo ku saabsanaa Xal u raadinta Xiisada ka jirta Gaalkacyo.

“Aniga iyo Wasiirada I wehliya waxaan Gaalkacyo u nimid in la Dhameystiro Heshiiskii hor u dhaca ahaa ee dhexmaray Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Galmudug ee ku aadanaa Colaada Gaalkacyo oo ah Dhibaato u dhexeysa dadka Walaalaha ah ee Gobalka Mudug runtii anaga Waxaan u Taaganahay in la Joogiyo dagaalka micno darada ah ka jira miyiga Gobalka Mudug iyo Gudaha Gaalkacyo” ayuu yiri Carabey.

Dhankale Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa ugu baaqay cid walba oo lug ku leh Xiisada Gaalakacyo inay ka Baaqsato sii socoshada colaadka iyo barakacinta Dadka Rayidka ah oo xiligaan ku sugan Xaalad Adag oo laga dhexlay Abaarta ku dhufatay Dalka Soomaaliya oo dhan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here