Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay Puntland inaysan marnaba ka daali doonin inay dalka ka xoreyso Al-shabaab.
Waxa uu sheegay qaraxyada fuleynimada ah ee Alshabaab inaysan marnaba cabsi galin doonin Puntland iyo shacabkeeda, wuxuuna Al-shabaab ku eedeeyay in ay yihiin kuwa usoo jeystay leynta shacabka.
Waxaa uu guddoomiye intaas ku daray inay waayahaan dambe hab dhaqankoodii kusoo dareen inay dadka u diida lacagaha laaluushka ah ku tuuraan Bmbo gacmeed ay ku cabsi galinayaan, laakiin wuxuu sheegay inaysan usoorto galindoonin damacooda.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu tacsi ka diray dadkii shacabka ahaa iyo ciidamadii kudhintay qaraxyadii Al-shabaab ka geysatay deegaanka Af-urur, maalintii ciida iyo weerarkii Buula gaduud.

