Degmada jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa saakay waxa ay ku waabariisatay dhawaqa rasaasta kadib markii dagaalyahano la fahansanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerareen halkaasi.
Maxamed Fiidoow waa gudoomiyaha degmada jalalaqsi waxa uu idaacadda simba u sheegay in weerarka Al-shabaab ay kusoo qaadeendegmadaasi uu ahaa mid muujineyso taag darada Alshabaab sida uu sheegay.
Waxa uuna intaa raacsaday in dagaalyahano fara ku turis ah oo Al-shabaab ka tirsan ay isku dayeen in ay soo weeraraan degmadaasi balse ciidamada dowlada ay iska caabiyeen dagaalkaasna uu ahaa mid aan sidaas u sii weyneen sida uu sheegey.
Gudoomiye fiidoow ayaa sheegey in dhamaan wadooyinka gala kana baxa Degmada jalalaqsi ay u xirantahay Alshabaab ciidamada dowladana ee degmadaasi ku sugana saanadooda milateri diyaarado loogu keeno.
Iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Alshabaab ayaa waxa ay noqdeen waayihii dambe kuwo kusoo laablaabtay gobalka hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya.

