Dowladda masar ayaa cambaareysay weerarkii shalay subax dagaalyahanada Xarakada al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka buul-gaduud ee duleedka magaaladda kismaayo ee gobolka jubba-da hoose oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada jubba-land.
Masar waxa ay sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), islamarkaana ay cambaareynayso weerarkii qasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamadda dowladda Soomaliya ee ka dhacay deegaanka buul-gaduud ee duleedka magaaladda kismaayo.
“Waxaan garab taaganahay dowladda soomaliya, waxaan ka caawinaynaa dhinaca amniga, ka dowladd ahaan waxaan cambaareynaynaa weerarkii shalay lagu qaaday deegaanka buulo-gaduud ee duleedka Magaaladda Kismaayo ee Ciidamadda Dowladda ay ku sugan yihiin”, ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dowladda masar.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan dalka masar uu booqday madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo), isagoo dhigiisa dalkaas lasoo saxiixday heshiisyo dhinacyo badan ka kooban.

