Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamid ah magafayaashii tahriibin jiray dhalinyarada reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Bosaaso.
Ciidamada amaanka maamulka puntland ayaa la sheegay in ninkaas ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen gudaaha magaaladda.
Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay inay ninkani oo haatan uu baaritaan ku socdo maxkamada lahor keenidoono loona soo bandhigidoono dadweynaha iyo warbaahinta.
”Waxaa lagu guuleystay In Xalay la soo qabtay Ninkii Magafe ee bilihii ugu danbeeyay Puntland wareeriyay, ee ilmihii loo keenay, oo ku Bixinaya labada boqol ee dollar, dad badan oo reer Boosaso ah ama reer Puntland ahna tahriibiyay Waxaan dadka ilmahoodu ka maqanyihiin ugu Bishaareynaynaa in ninkaasi gacanta ku jiro ” ayuu yiri Gudoomiye Dhedo.

