Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Dowladda mareykanka ay ka fuliyeen saldhig dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo kuntu-waarey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeyntaas oo mareykanka uu sheegay in lagu dilay xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya in lagu dilay Abdirahman Hudeyfi oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Xarakada Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale horey usoo noqday Gudoomiyaha Gobolada Jubooyinka ee Maamulka Al-shabaab.
Sidoo kale Abdirahman Hudeyfi oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Xarakada Al-shabaab ee Abuu Cubeydah, ayaa sidoo kale maamulka al-shabaab u qaabilsanaa dhanka dacwadda, in idaacadaha Al-shabaab laga baraarujiyo shacabka, inkastoo aan waligiisa uusan ogolaanin in sawir laga qaado.
Mareykanka oo qiray In duqeyntaas lagu dilay xubno ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, hadana ma uusan sheegin magacyadda iyo tiradae xubnaha Al-shababa ee duqeyntaas lagu dilay.

