Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Eng-C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Camey  oo ay Wehliyaan Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ayaa Safar deg deg ah maanta ku Tagay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug oo Deegaano Hoostaga ay ka Taagan tahay Xiisad Dagaal oo u Dhexeysa Maleeshiyaad kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sida  Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wafdiga Puntland ee gaAray Gaalkacyo Madaxweyne ku Xigeenka Puntland ayaa ujeedka Safarkiisa Safarkiisa waxaa uu yahay sidii wax looga Qaban lahaa Dagaalka ka soo cusboonaaday  Bariga Gobalka Mudug oo ay ku Dagaalamayaan Maleeshiyaad ka soo kala Jeeda Puntland iyo Galmudug.

Wararka ayaa intaa ku siida-rayaan in Eng-Camey uu wado Qorshe lagu Howl-galinyo Ciidamada isku Dhafka ah ee Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo ku eedeysan inay ka Gaabiyeen Wax ka qabashada Colaada Gobalka Mudug oo Maalmihii danbe Saameynteeda si weyn looga Dareemay Deegaanada Labada Maamul.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here