Akhriso:-Xubno Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo Duqeyn Lagu Dilay

0

Diyaarad dagaal oo mareykanka uu leeyahay ayaa duqeysay saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab oo ku yaala Degmada baraawe  Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

War saxaafadeed Mareykanka  kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarka laga fuliyay Maalinkii khamiistii meel ku dhow  magaalada Baraawe ee koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyay in hal gantaal lagu dhuftay saldhiga dagaalayahanada Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Weerarkaas ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shaabab oo ku sugnaa Saldhiga Degmada baraawe, inkastoo aan lasoo bandhigin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Milatariga Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeeyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump  uu ogolaaday in howlgalo millatari  Soomaliya laga fuliyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here