Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay iska soo saarto cidii ka dambeysay in la dhiibo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ONLF, kaasoo dhowaan loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.
Xildhibaanka oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ugu baaqay labada Gole ee Baarlamaanka inay tallaabo sharci ah ka qaado, isagoo xusay in arrintan ay aheyd khiyaano qaran oo aan laga aamusi karin.
Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in iyaga xataa ay khatar ku jiraan in loo dhiibo dowladda Itoobiya, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in Muwaadin Soomaaliyeed loo dhiibo dowladd cadow ku ah Soomaliya.
“Ninkaas 8 maalmood ayaa la hayay, Qalad iyo kama’a kuma dhici dhiibidiisa, waxay ku dhacday kas iyo tashi, cida amartay ayaa rabnaa ama dowladda banaanka ha iska soo saarto cidii ku talisay iyo cidii dhiibtay, waxaa ku heysanaa Madaxda, ayaga daba joognaa waana khiyaano qaran”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

