Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax)oo ka tirsanaa ururka ONLF ee dagaalka lagula jirta dowladda Ethopia.
“Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri Dr. NEGERI Lencho.
Dowladda Soomaliya ayaan dhankeeda war kasoo saarin arinnta Qalbi Dhagax, inkastoo xalay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu sheegay in arintaas ay tahay mid xasaasi ah islamarkaana isaga uu dowladda afduubtay.
