Shariif Xasan oo Tababar u Furay Cidamo Ka Tirsan Koonfur Galbeed+Sawirro

0

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ka furmay Tababar la siinayo ciidamada Amaanka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Tababarkani oo ku saabsan Baarista Dambiyada kala duwan iyo Xuquuqul insaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Askar ka kala socoto qeybaha kala duwan ee Laamaha amaanka, waxaana uu socon doonaa mudo dhowr maalin ah.

Hey’adda Iida ayaa soo qaban qaabisay tababarka, waxaana madasha Khudbado dardaaran iyo bogaadin u badnaa ka jeediyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here