Taliye Ereg oo Ka Hadlay Sababaha Shaqo Joojinta Loogu Sameeyey+Dhageyso

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa xalay shaqo joojin ku sameeyey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas ayaa ka hadlay shaqo joojinta lagu sameeyey, iyo sida uu u arko.

Taliye Ereg ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Camey uu wax ka weydiiyay kiiska 12-ardey oo laga sii daayay xabsiga Dhexe ee Magaalada Garoowe, islamarkaana uu si sharci ah uu kusii daayay taliyaha Qeybta booliska.

“Shalay Subixii anigoo Xafiiskayga fadhiya waxa isoo wacay Madaxweyne ku-xigeenka  Maamulka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay,wuxuu I weydiiyay kiiska ardey laga sii daayay xabsiga dhexe ee Magaaladda garoowe,waxaan ugu jawaabay haa madaxweyne waa lasii daayay amarkaas waxaa bixiyay taliyaha qeybta,wuxuu Igu amray in shaqada laga joojiyo Taliyaha qeybta ilaa amar dambe,waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku celiyay in aan shaqada ka joojin Karin islamarkaana loo baahan yahay in warqad lagu soo qoro wixii amar ah, madaxweyne ku-xigeenka wuxuu igu yiri hadal ayaa kugu amaryaa sidaas ayaa xilka loogu qaadayaa, ana taas waan kasoo horjeystay sidaas darteed aniga buu shaqo joojin igu sameeyay kadib”, ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili xalay warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland xilkii loogu qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.

Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here