Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa qarxiyay Goordhaweyd gaari lagu soo xirey waxybaaha qarxa oo lasoo dhigay wadada Maka Al Mukarama ee Magaaladda muqdisho.
Ciidamada ayaa xirey guud ahaan wadada waxaa shacabka loo diiday in ay adeegsadaan agagaarka Xaaji baasto wadada Maka Al Mukarama oo la dhigay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.
Waxaa lagu guuleystay in la qarxiyo gaariga, mana jirto cid waxyeelo kasoo gaartay qarxa gaari lagu soo xirey ee wadadaas la dhigay sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.
Waa qaraxii Labad ee Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ay fashilaan bishaan gudaheeda kadib markii ay dhawaan qarxiyeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lasoo dhigay wadada Maka Al Mukarama ee Magaaladda muqdisho.







