Xildhibaanada Maamulka Hir-shabeelle oo Amaro La Dul Dhigay+Dhageyso

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa si kulul uga hadlay amar Taliska Booliska Magaaladaasi kasoo baxay ee ku aadan in xildhibaanada aysan kulamo siyaasadeed ku qaban-karin Hoteeladda magaalada Jowhar.

C/qaadir Faarax Fuute oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in wax aan la aqbali Karin ay tahay in taliska Booliska Magaaladaas ay  xildhibaanada ka hor joogsadaan  kulamadii ay yeelan lahaayeen.

Waxa uu sheegay in taliska uu amar ku bixiyay in Xildhibaanada aysan kulmi Karin ilaa laga gaarayo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Goboleedka Hir-shabeelle oo la filayo in dhowr maalin kadib ay ka dhacdo Magalada jowhar ee Caasimadda maamulkaas, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali C/laahi Osoble.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here