Siyaasi kasoo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) lagula xisaabtamayo shaqa dayacidda ay sameeyaan wasiirada uu dib u magacaabay.
Abshir Diini Cawaale Wasiirkii Hore ee Amniga ee Maamulkii Hore ee Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf, uu qaadi doono mar walba dayacaada ay sameeyaan wasiirada dib loo soo celiyay kuwaasi oo uu sheegay in wax la taaban karo aysan la imaanin xiligii uu xilka Galmudug hayay C/kariin Xuseen Guuleed oo xilka iska casilay sanadkii 2016-kii, kadib mooshin ay ka keeneen xidhibaanada Baarlamanka Maamulkaas.
“Madaxweyne Axmed Ducaale(Xaaf) ayaa qaadi doona mas’uuliyadda wasiiradda dib loosoo magacaabay, xiligii C/kariin Xuseen Guuleed wax la taaban karo ma aysan la imaanin , haatana hadii ay fashilmaan Xaaf ayaa qaadi doona mas’uuliyadaas, Madaxweynaha waxa loogu baahan yahay in uu daba-gal joogto ah ku hayo Wasiirada uu dib usoo magacaabay”, ayuu yiri Abshir Diini Cawaale Wasiirkii Hore ee Amiga ee Maamulkii Hore ee Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo shalay hadal ka jeediyay ansixintii wasiirada uu dib usoo magacaabay ayaa sheegay in aysan dhici doonin wasiir la kulmaya madaxda Qaramada midoobay iyo wakiiladda beesha caalamka ay safarada ku taga magaaladda Cadaado ee caasimadda Kmg ah ee maamulkaas.

