Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saakay kulan ay ku yeesheen Magaaladda Hargeysa waxa ay ku doorteen gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiilada maamulkaas.
Fadhiga saaka ay yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maamed Faarax ayaa waxaa fadhiyay golaha todobaatan xildhibaan.
Waxaana ku tartamay Kursiga gudoomiye ku-xigeenka koobaad saddex xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin (Casood), Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin (Casood), iyo Xildhibaan Xasan Hufane
Waxaana ku guulaystay in uu noqdo gudoomiye ku-xigeeka koobaad ee golaha wakiilada Maamulka Somali-land Xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh Cali Ayaanle oo helay 50 cod, xildhibaan casood ayaa isna helay hal cod halka xildhibaan Xasan Hufane uu helay 16 cod saddex xildhibaana way ka aamuseen codeynta.
Xildhibaaada golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa ku kala qeybsamay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaaladda Hargeysa ee lagu doortay Gudoomiye Baashe Maamed Faarax.

