War kasoo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyada weerarkii habeenkii jimcaha aheyd ka dhacay magaalada Brussels ee dalka belgium.
Weerarkaas waxa fuliyay nin faas ku hubeysan uu weeraray askar ka mid aheyd Belgium.
Wakaalada wararka u faafisa Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa lagu daabacay mid ka mid ah kooxdii fulisay weerarkaas uu ka mid ahaa askartooda, ma sheegin kooxda magaca ninkaas, hase ahaatee Booliska dalka Belgium ayaa goor sii horeysay sheegay in ninkan uu yahay Soomaali.
Dhanka kale Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa howl gal baaritaan ka sameeyay guriga uu degenaa ninkan oo ku yaala magaalada Bruge ee waqooyi galbeed dalka Belgium.
Ninkan Soomaaliga ayaa la sheegay inuu galay dalka Belgium sanadkii 2004-kii, waxaana uu dhalashada dalkaas uu qaatay sanadkii 2015-kii.
Sidoo kale Booliska dalka Belgium-ka ayaa sheegay in ninkan aysan ka filaneyn inuu geysto falkaan, mana jirin aqoon ay horay u lahaayeen laamaha dambi baarista.

