Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug, kadib markii maanta madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu horgeeyey Baarlamaanka Golihiisa wasiirada.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ugu horeyn ka codsaday Baarlamaanka Galmudug in ay ansixiyaan golihiisa wasiirada, kadib qudbad uu u jeediyey baarlamaanka, waxaana intaasi kadib bilaabatay codeynta oo u dhaceysay qaab gacan taag ah.
52-xubnood oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa codka kalsoonida ah siiyey Golaha wasiirada Galmudug, halka 5-xildhibaana ay diideen mana jirin cid ka aamustay.
Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa u mahad celiyey Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey Golihiisa Wasiirada, isagoo ku dardaarmay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

