Mareykanka oo Shacab Soomaliyeed  Ku Laayay Shabeelaha Hoose+Sawirro

0

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka oo ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah ayaa saaka duqeyn ka geystay  beer ku taal deegaanka Bariire gobolka Shabeelada Hoose.

Weerarkan oo dhacay saakay aroortii, ayaa waxaa lagu laayay shacab Soomaliyeed oo beeraley iska ahaa.

Dadkan oo isug jiray Milkiiliyaasha beerta iyo shaqaale ka shaqeynayay beerta ayaa meykooda maanta la keenay isbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho.y.

Sawirro lasoo bandhigayay ayaa muujinayay sida Diyaaradaha Dowladda Mareykanka in ay u xasuuqeen shacabka beeraleyda ah.

Dhimashada guud ahaan ayaa ah 10-ruux.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey u sheegay inuu amray weerarada ay fuliyaan ciidamada Mareykanka ee duqeymaha ka geysta Soomaaliya,

Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay  in ciidamadooda aan lagu maxkamadeyn karin duqeymaha ay  ka geystaan dalalka dibadda.

Arintaan ayaa u baahan baaritaan, iyadoo sidaan kale dhawaan qoys dhan 5 qofood lagu xasuuqay duqeyn ciidamo ajnabi ah ka geystay degmada Jilib gobolka Jubbada Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here