Al-shabaab oo Masiixiyiin Ku Dilay Gudaha Kenya

0

Dagaalyahano katirsan  Xarakada Al- shabaab ayaa u dhacay guriga muwaadiniin masiixiyiin ah kuwaa oo da’doodu lagu sheegay 42 jir iyo 17 jir iyagoo lagu amray in ay aqriyaan aayadaha quraanka kariimka ee salaada lagu tukado  kuwaa oo aqoon aysan u laheyn.

Dagaalyahanadaan ka Tirsan Xarakada Al shabaab ayaa banaanka ula baxay masiixiyiinta kenyatiga ah ee diiday in aayado katirsan quraanka kariimka kuwaa oo ku noolaa deeggaanka Kasala kairu oo katirsan jaziirada Lamu.

Saddexdan nin ee ka tirsanaa dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay iska caabiyaan kuwaa oo markii dambe la dilay.

Labo  kamid ah masiixiyiintan la dilay ayaa ahaa duqa kaniisad dhacda deegaanka iyo shaqaale katirsan hotel halkaasi dhaca sida warbaahinta Kenya ay daabacday.

Xarakada Al shabab ayaa sidan oo kale gaari kala dagay dad masiixiyiin ah kuwaa iyagana la dilay kadib markii la weydiiyay in ay aqriyaan aayadaha  quraanka.

Mudoooyinkii dambe al shabaab ayaa kor u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan jaziirada Lamu  oo askar iyo dad shacab ah lagu dilo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here