Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa soo gaaray Ciidamo ka socda dalka turkey-ga kuwaasi oo horudhac u ah Saraakiil sare sare oo kusoo wajahan magaaladda.
Saraakiil iyo ciidamo Turki ah oo gaaraya 200 Askari ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ee aadan Cadde waana ciidamo iyo saraakiil maamuli doona saldhiga Turkiga ka dhisay Muqdisho oo si rasmi ah loo furi doono bisha soo socota ee Septembar.
Warbaahinta dalka turkey-ga ayaa baahisay in Ciidamada Turkiga uu howlgalkooda tababar ka bilowday saldhigga cusub ee Turkigu ka dhisay Magaalada Muqdisho.
Sawirro la qaaday ayaa muujinaya in Ciidamo Turki ah kana soo degay Garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho kuwaas oo ay keentay Diyaarad Turkish Airlines oo gaar ah.
Cemal Cevap oo ah Cilmi bare ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Turkiga howlgalkeeda Soomaaliya ee lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya uu shalay billowday.
Sidoo kale Saldhigga Turkiga ee Magaaladda Muqdisho ayaa lagu wadaa in la furo Bisha September ee soo socota,waxaana lagu wadaa in lagu tababaro 10,000 oo Askar Soomaali ah.





