Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen gaari dad shacab ah ay sarnaayeen oo marayay degmadaas.
Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen rasaasta, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableyda rasaasta furtay ay isbaaro u taalay goobta uu falka ka dhacay, waxaana wadihii gaariga uu ka dhega adeegay inuu istaajiyo goobtii isbaarada, waxaana taas ay keentay in rasaas ku furaan.
Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay isbaarooyin ay dhiganayaan rag ku labisan dareyska ciidamada, waxaa horaan jirey howlgalo laga sameeyay deeganadas.

